Maxkamadda Sare ee DF Soomaaliya ayaa go'aan ka soo saartay wax-ka-beddelka waxa lagu sheego Dastuurka Kumeel-gaarka ah, kaas oo uu hore dacwad uga gudbiyey Madaxweynihii hore ee DF, Shariif Sheekh Axmed.
Maxkamadda ayaa waxba-kama-jiraan ku tilmaantay wax-ka-beddelka lagu sameeyey Dastuurka Kumeel-gaarka ah, iyadoo sheegtay in habraacii saxda ahaa ee wax-ka-beddelka dastuurka la baal-maray.
Sidoo kale, Maxkamaddu waxay Madaxweynaha muddo-xileedkiisu dhammaaday ku eedaysay inuu hareer-maray habraacii saxda ahaa ee wax-ka-beddelka waxa loogu yeero Dastuurka, iyadoo ku boorrisay inuu ixtiraamo Dastuurkii Kumeel-gaarka ahaa ee 2012.
Maxkamaddu waxay go’aamisay in muddo-xileedka labada gole ee Baarlamaanka Federaalka uu dhammaaday 14-kii Abriil 2026, halka muddo-xileedka Madaxweynaha Villa Soomaaliya uu dhammaaday 15-kii Maajo 2026.
Sidoo kale, waxay sheegtay in muddo-xileedka Xukuumadda Federaalka, oo ka dhalatay labada gole ee Baarlamaanka, uu dhammaaday 14-kii Abriil 2026, maadaama Baarlamaanka uu leeyahay awoodda kalsooni-siinta iyo kormeerka Xukuumadda.
Waxa kale oo go’aanka maxkamaddu uu intaas ku daray in hay’adahaasi aanay awood u lahayn inay qaadaan tallaabooyin ku dhisan awoodahooda ku dhisan waxay ugu yeereen dastuurka, wixii ka dambeeyay dhammaadka muddo-xileedyadooda.
Xasan Sheekh Maxamuud oo la sheegay in uu ka war-helay go’aanka maxkamadda ayaa fiidnimadii xalay soo saaray wareegto uu xilka kaga qaadayo Guddoomiyaha maxkamadda Sare Baashe Yuusuf Axmed, isla markaana uu magacaabay Ibraahim Iidle Suleymaan oo horey usoo qabtay xilkan.
Qaraar maanta kasoo baxay Maxkamadda Sare ayaa lagu caddeeyey in aysan waxba ka jirin go'aanka xil-ka-qaadista ah ee lagu sameeyay Guddoomiyaha Maxkamadda Sare, Baashe Yuusuf Axmed, iyadoo tallaabadaas ku tilmaantay mid aan waafaqsanayn waxay ugu yeeraan dastuurka.
Maxkamaddu waxay intaas ku dartay in aanu jirin awood waxa loogu yeero Dastuurku siinayo Madaxweynaha oo uu si toos ah xilka uga qaadi karo Guddoomiyaha Maxkamadda Sare.
Go’aanka maxkamaddu ay ku burisay dastuurka Gurguurte camcamsaday iyo xil-ka-qaadista uu ku sameeyey Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ayaa imanaya xilli siyaasiyiinta mucaaradka iyo kooxda Villa Soomaaliya uu ka dhex taagan yahay khilaaf siyaasadeed oo aad u xooggan oo la xiriira wax-ka-beddelka Dastuurka iyo hannaanka doorashooyinka.
